About Us
About US
This Is Our Vision
Showqi Academy waa madal waxbarasho oo online ah oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay bartaan aqoon iyo xirfado si dhab ah u caawiya noloshooda, shaqadooda iyo mustaqbalkooda.
Waxaan isku keenaynaa macallimiin, khubaro iyo arday hal meel, si waxbarashadu u noqoto mid fudud, la heli karo, oo qof walba uu ku baran karo waqtiga iyo goobta ku habboon.
Hadafkeennu ma aha oo keliya in ardaygu cashar daawado. Waxaan rabnaa inaa aqoontiisa dhisno, xirfadiisa dhisno, ku dhaqmo waxa uu bartay, kadibna natiijo dhab ah ka gaaro.
Si aad u bixiso lacagta koorsada, WhatsApp nagala soo xiriir. Kooxdayada taageerada ayaa kuu Tilmaami doonta habka lacag-bixinta ee ku habboon.
Waxaan kuu fududayn karnaa lacag-bixinta iyadoo la adeegsanayo EVC Plus, Zaad, Sahal ama eDahab. Kadib marka lacag-bixinta la xaqiijiyo, waxaa laguu diyaarinayaa access-ka koorsada.
Dooro koorsada aad rabto, akhri faahfaahinta koorsada, kadib guji Isdiiwaangeli / Enroll oo raac tallaabooyinka lagu tusayo si aad u bilowdo waxbarashada.
Haa. Waxaad koorsooyinka kaga baran kartaa mobile, tablet ama computer, iyadoo ku xiran shuruudaha koorsada iyo internet-ka aad haysato.
Koorso kasta boggeeda waxaad ka arki kartaa qaabka waxbarashada. Koorsooyinka self-paced waxaad ku baran kartaa waqtiga adiga kugu habboon, halka koorsooyinka live-ka ah ay yeelan karaan jadwal gaar ah.
Haddii koorsadu leedahay Certificate, waxaad heli doontaa marka aad buuxiso shuruudaha koorsada. Faahfaahinta certificate-ka waxaa lagu caddeyn doonaa bogga koorsada.